Askar Itoobiyaan ah oo Magan-gelyo waydiistay Suudan

Askarta Ethiopian-ka ah ee magan-galyada weydiistay Sudan
Askarta Ethiopian-ka ah ee magan-galyada weydiistay Sudan

Khartoum (Aftahannews)- Mas’uuliyiinta Suudaan, ayaa masaafuriyay tobaneeyo askar Itoobiyaan ah oo u shaqeynayay howgalka Qaramada Midoobay ee gobolka Darfur, kuwaas oo la geeyay xero qaxooti, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda.

Askarta Ethiopian-ka ah ee magan-galyada weydiistay Sudan
Askarta Ethiopian-ka ah ee magan-galyada weydiistay Sudan

Al-Fateh Ibrahim Mohammed, oo ah madaxa hay’adda qaxootiga ee gobolka Waqooyiga Darfur, ayaa sheegay in ciidamada ay ka mid yihiin 120 askari oo ka soo jeeda gobolka Tigray, kuwaas oo magan-galyo weydiistay Suudaan kadib markii uu dhammaaday sanad ay la shaqeynayeen howlgalka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay, sida ay sheegtay wakaaladda SUNA.

Waxa uu sheegay in ciidamada oo ay ku jiraan 14 ay diideen inay dalkooda ku laabtaan kadib markii loo yeedhay, iyaga oo ka cabsi qaba inay xidho dowladda federaalka ee Addis Ababa.

Gobolka Tigray oo ay bishii November 2020 weerareen ciidamada federaalka, ayaa laga soo weriyey tacaddiyo ay ka mid yihiin xasuuq, kufsi iyo macluul la qasbay, waxaana xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken uu bishii March sheegay in “isir sifeyn” ay ka dhacday.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay bishii tagtay in tiro Ethiopian ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta QM ee Darfur “ay raadinayaan bad-baadin caalami ah.”

Al-Fateh Ibrahim Mohammed, oo ah madaxa hay’adda qaxootiga ee gooblka Waqooyiga Darfur, ayaa sheegay in Sudan ay masaafurisay ugu yaraan 33 askari oo ku sugnaa Waqooyiga Darfur, lana geeyay xero qaxooti oo ku taalla gobolka bari ee Kassala oo saaran xadka Ethiopia. Wuxuu sheegay in 31 kale ay bixi doonaan maanta.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.