Rabshado kale oo ka dhacay Masjidka Al-Aqsa iyo Ciidamadda Israel oo Gudaha u galay Masjidka

Rabshadaha ka dhacay Masjidka Al-Aqsa
Rabshadaha ka dhacay Masjidka Al-Aqsa

Qudus (Aftahannews)- Rabshado, ayaa markale Isniinta maanta ah ku dhexmaray ciidamada ammaanka Israel iyo Falastiiniyiin cibaadaysanayay agagaarka masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, iyada oo ciidamada ay galeen gudaha masjidka.

Rabshadaha ka dhacay Masjidka Al-Aqsa
Rabshadaha ka dhacay Masjidka Al-Aqsa

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin, ayaa sheegtay in boqolaal lagu dhaawacay iska hor imaadyo cusub oo dhacay Isniinta maanta ah, rabshadaha oo yimid waxyar ka hor socod qorsheysan oo lagu xuso 1967-kii oo ay Israel qabsatay magaaladan barakeysan.

Iska horimaadyadan, ayaa ahaa kuwii ugu xumaa abid ee ka dhaca Qudus tan iyo 2017.

Goob joogayaal, ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambaanooyinka aan qarxin ku rideen masjidka, halka dadka cibaadaysanayay ay dhagxaan iyo waxyaabo kale ku tuureen ciidamada Israel. Waxaa jira warar sheegaya daraasiin qof ay dhaawacmeen, oo ay ku jiraan ugu yaraan 50 oo la dhigay isbitaalada.

Dagaallada, ayaa ka dhacay irdaha dhismaha Masjidka al-Aqsa ee Magaalada qadiimka ah.

Iska horimaadyada maanta, ayaa dhacay saacado ka hor munaasabadda sanadlaha ah ee Maalinta Qudus, oo ah maalin ay Israa’iiliyiintu u dabaaldegaan sheegashada Israel ee gabi ahaan magaalada Qudus. Ka qeybgaleyaasha ayaa socod ku mari doona Magaalada Qadiimiga ah, oo qayb ka ah bariga Qudus, taas oo Israel ay qabsatay islamarkaana goosatay xilligii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967.

Laakiin maamulka Israel, ayaa si ku meel gaadh ah uga mamnuucay Yuhuudda in ay booqdaan goobta barakaysan isku dhacyada halkaasi ka jira awgeed.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.