Maxay ka Wada-hadleen Madaxweyne Biixi, Hoggaanka Mucaaradka, Guddiga Doorashooyinka iyo Maxkamada Sare?

Kulanka Madaxweynaha Somaliland, Hoggaanka Mucaaradka, Guddiga Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare
Kulanka Madaxweynaha Somaliland, Hoggaanka Mucaaradka, Guddiga Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta madaxtooyadda  kulan kula qaatay Hoggaanka xisbiyadda Mucaaradka, Guddiga Doorashooyinka iyo Maxkamada Sare.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland, Hoggaanka Mucaaradka, Guddiga Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare
Kulanka Madaxweynaha Somaliland, Hoggaanka Mucaaradka, Guddiga Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare

Kulankan, ayaa waxaa lagu lafo-guray arrimaha qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka.

Kulankan oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Somaliland, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka, hoggaanka saddexda xisbi qaran, xubnaha guddida doorashooyinka, guddoomiyaha maxkamadda sare, Xeer ilaaliyaha guud iyo ku xigeenkiisa iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada.

Waxa aanay  dhinacyadu si qoto dheer u lafo-gureen sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho lagu wada raalli yahay, islamarkaana uu dhinac waliba diyaar u noqdo inuu u hagarbaxa qabsoomidda doorashada.

Kulankaas, ayaa waxaa warbixino dhinaca doorashada ah, lagaga dhegaystay xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, waxana ay tilmaameen inay dhinacooda doorashadu diyaar ka tahay, dhammaanba dhinacyada kale ee ay doorashadu Khusaysana ay uga baahan yihiin taageero niyadsami leh.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inay si hagar la’aan ah diyaar ugu yihiin inay dalka ka qabsoonto doorasho hufan oo waqtigeeda ku qabsoonta, kalsooni buuxdana u hayaan guddida doorashooyinka ee doorashada hagi doonta.

Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxda Axsaabta mucaaradka uga mahadnaqay dedaalka iyo daacadnimada ay ka muujiyeen u diyaargarowga iyo qabsoomidda doorashada, isaga oo xubnaha Komishankana ku bogaadiyey inay muddo kooban ku dhaqangeliyeen inay dalka ka diyaariyaan doorasho dhinacyada oo dhammi ku kalsoon yihiin, qabsoomiddeedana  la wada sugayo.

Madaxweynuhu waxa uu Akhriyay qaar kamid ah qoddobada bud-dhigga u ah shirka ballaadhan ee ay qabsadeen, kuwaas oo ay ugu muc weyn yihiin tirada maalmaha ololaha ay xisbiyadu isla qaateen in la yareeyo maaddaama oo waqtigu kooban yahay.

“Waxaynnu ku heshiinnay in Ololuhu noqdo Lix maalmood oo uu xisbi waliba laba maalmood ololaha gelayo, weliba waxannu go’aaminnay oo xisbiyadu Komishanka ka codsanayaan xisbi waliba maalin buu goobta fagaaraha  Beerta xorriyadda tegayaa, gobolladana goobta qaranka ka dhexaysa ee goobta weyn ah tegayaa, Bannaanbax guudna maalin buu leeyahay, maalinta labaadna wuxuu ku ololaynayaa degmooyinka oo ma imanayo goobta fagaaraha weyn, innagoo nabadgelyada eegayna, innagoo kharashaadka eegayna culayska eegayna, Komishankana siinayna inay hawlahooda u gacan furnaadaan oo aanay ku Arbushmin hawlo kale.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa waxaa kale oo uu sharraxay waxyaabaha kale ee shirka la iskula qaatay.

“Waxa kale oo aannu isku raacnay in wixii qaddar Rabbaaniya ah ee aynaan immika ogayn ee ka dhaca  hawlaha Komishanka, dadka xisbiyada u jooga goobtaas ama muraaqib ha noqdo ama ha ahaado qolada xisbiyada  uga wakiilka ah la shaqaynta Komishanka, ayaa ka wada-tashanaya, go’aanka kama dambaysta ahna waxa leh Komishanka qaranka.Dacwadaha waxaynu isla qaadannay oo aynnu door bidnay in haddii ay timaaddo in goob dacwadi ka abuuranto, marka hore waxa ku filan goobta cidda ka joogta Komishanka iyo xisbiyada, haddii ay kari waayaanna waxay u imanaysaa Komishanka, haddii ay xallin kari waayaanna oo ay dacwad tagtona dacwaddaas waxa ka wakiil ah xisbiyada.”ayuu intaasi sii raaciyay.

Geesta kale, Madaxweyne Biixi, ayaa caddeeyay inay xukuumad ahaan diyaariyeen Kharashkii iyo ilaalinta dhammaanba goobaha ay doorashadu ka qabsoomi doonto, isaga oo bulshada reer Somaliland-na usoo jeediyey inay doorashada u diyaar garoobaan, kana dheeraadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara doorashada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.