Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-658/052021 ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.
Madaxweyne Biixi ayaana Maxamed Khaliif Nuur Cali u magacaabay in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag.
Waxaana sidaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, waxaanay u dhignayd sidan:-
MarkaanArkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.