Soomaali ku Guulaysatay Doorashooyinka Dalka Britain

Safiya Saeed (Barbaraawi)
Safiya Saeed (Barbaraawi)

London (Aftahannews)- Dalka Britain oo ka mid ah wadamada ay ku noolyihiin Soomaalida u badan dadka qurba joogta ah, ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay doorashahadii golayaasha deegaanka ee dawladaha hoose.

Safiya Saeed (Barbaraawi)
Safiya Saeed (Barbaraawi)

Soomaalida, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay iska sharaxaysay baddiba xisbiyada siyaasada ee ku yaala dalkan Britain gaar ahaan xisbiga Shaqaalaha ee loo yaqaano labourka ahna xisbniga mucaaradka ugu weyn.

Sidoo kale, xisbiyada Konservativeka oo ah kan imika talada haya iyo xisbiyo kale oo ay ka mid yihiin the Green Party ayay Soomaali badan iska soo sharxday.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah, ayaa guulo badan ka soo hooyay doorashaooyinkan, Safiya Saeed oo loo yaqaanno Safiya Barbaraawi waxay ka tartantay xaafad ku taala magaalada Sheffield ahna degmooyinka ay Muslimiinta iyo Soomaalidu ku badan yihiin.

Safiya Saeed ayaana waxaa ay ku guulaysatay Tiradii ugu badnayd.

Hoos ka dhagayso wareysiga

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.