Su’aalo la iska Waydiinayo, Waxa Xidhiidhka Cusub ee Nairobi iyo Muqdisho Yeeli karo Heshiiskii Somaliland iyo Kenya ee Sanadkii hore

Farmaajo iyo Uhuru
Farmaajo iyo Uhuru

Muqdisho (Aftahannews) – Dawladda Soomaaliya, ayaa Khamiistii Shaacisay inay dib u soo celisay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ka dhexeeyay Dawladda Kenya, kaasi oo ay hore u goysay Dawladda Muqdisho.

Farmaajo iyo Uhuru
Farmaajo iyo Uhuru

Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xidhiidhka Kenya goysay Sannadkii hore Dabaqayaadiisii, ka dib markii ay ku eedaysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sidoo kalena ay uu cuslaaday kiiska badda ee labada dhinac ka dhexeeya.

Xilligaasi, Dawladda Soomaaliya waxay Muqdisho ka eriday Safiirkii Kenya u joogay, halka u yeedhatay Safiirkii u joogay Nairobi.

Laakiin, Khamiistii oo Taariikhdu ahayd 6-da bisha May, 2021 ayay Dawladda Muqdisho ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, ka dib markii sida ay sheegtay ay ku heshiiyeen inay is ixtiraamaan.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa isagoo arrintaa faahfaahinaya wuxuu yidhi “Labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.”

Laakiin, Warka ah in Dawladda Soomaaliya soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, iyadoo sheegaysa inay ku heshiiyeen in la ilaaliyo Midnimada dhuleed ee labada dal, ayaa waxay arrintaasi ku soo beegmaysaa xilli aanay Dawladda Kenya fulin heshiis ay la gashay Somaliland, kaasi oo ay ka mid ahayd inay Xafiis  Wakiileed ka furato Magaalada Hargeysa, isla-markaana masuuliyiinta Dawladdu ay Baasaaboorka Somaliland ku tagaan Kenya iyo arrimo kale oo ay ka mid ahayd in diyaaradaha Kenya ay duulimaadyo ka bilaabaan Hargeysa.

Dadka qaarkood ayaa hore u qabay in Kenya sababta ay Somaliland heshiiska noocaas ah ula gashay ahayd inay ku cadaadiso Dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo hadda shaki ka muujinaya in ka dhabayso fulinta heshiisyadii ay la gashay Somaliland, maaddaama oo ay Soomaaliya kula heshiisay in la ilaaliyo waxa loogu yeedhay ‘Midnimada dhuleed’, kaasi oo u muuqda in Soomaaliya kaga hor-tagayso xidhiidhka Kenya la samaynayso Somaliland.

 

Xigasho: Wargeyska Geeska