Musharixiintii ka xidhna Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo la sii dayay

Musharrixiinta Xisbiyadda Mucaaridka ee Xidhnaa ee la sii daayay
Musharrixiinta Xisbiyadda Mucaaridka ee Xidhnaa ee la sii daayay

Hargeysa (Aftahannews) – Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiyada kasii daysay 3 musharax oo in muddo ah ka xidhnaa xisbiyada mucaaradka, kuwaasi oo uu xadhigoodu cadho ka dhex abuuray mucaaradka iyo xukuumadda.

Musharrixiinta Xisbiyadda Mucaaridka ee Xidhnaa ee la sii daayay
Musharrixiinta Xisbiyadda Mucaaridka ee Xidhnaa ee la sii daayay

Musharixiinta lasii dayay ayaa kala ah Cabdilaahi Xasan Xirsi iyo Cabdiraxman Yusuf Cali oo ka sharaxan xisbiga UCID iyo Qasim Aadan Sulayman oo ka sharaxan xisbiga Waddani.

Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa xaqiijiyay in musharixiinta ka xidhna xisbigoodu ay ahayeen 3 musharax islamarkaana 2 kamid ah la soo dayay.

Xoghayaha, ayaa sheegay in musharaxa xabsiga ku hadhay anay guddida doorashooyinku ansixin musharaxnimadiisa.

Musharixiintan, ayaa ku eedaysnaa in ay ka been sheegeen aqoontooda waxbarasho, sidoo kalena musharax Qasim Adan Sulayman, ayaa si gaara ugu eedaysnaa in uu xidhiidh la leeyahay Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland oo markii hore ku adkaysanaysay in ay musharixiinta maxkamad la tiigsanayso, ayaan ilaa hada ka hadal waxa sababay sii dayn tooda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.