Fayraska Dadka aadka u badan ku Dilaya Hindiya oo soo Gaadhay Kenya

Fayraska COVID Variant ee soo gaadhay dalka Kenya
Fayraska COVID Variant ee soo gaadhay dalka Kenya

Nairobi (Aftahannews)- Baadhayaal ayaa Kenya ka helay illaa shan kiis oo ah fayraska dadka aadka u badan ay ugu dhammaanayaan hindiya ee COVID Variant.

Fayraska COVID Variant ee soo gaadhay dalka Kenya
Fayraska COVID Variant ee soo gaadhay dalka Kenya

Wasaaradda caafimaadka Kenya waxay sheegtay in baadhitaanka kiisaskan la sameeyay ka hor intii aan la mamnuucin diyaaradaha ka yimaada Hindiya.

Shanta kiis ee la helay waa dad ka shaqeynayay warshad bacriminta sameysa oo ku taalla galbeedka Kenya.

Dalka Hindiya waxaa hadda ka taagan xaalad aad u xun oo uu ku hayo nooca cusub ee cudurka Covid-19. Waxaana maalin kasta laba soo sheegaa boqollaal kun oo kiisas oo xanuunka ah.

Illaa iyo hadda, in ka badan 226-kun oo qof ayuu cudurkan ku dilay Hindiya. Wuxuuna ku dhacay in ka badan 20 milyan oo qof.

Iyadoo xaaladda ay sidaa u xuntahay, haddana hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO, weli maysan caddeynin in cudurka Hindiya uu yahay Covid Variant.

Kenya waxay noqoneysaa dalkii labaad ee Afrika ee soo weriya in xanuunka Hindiya loogu dhammaaday uu soo gaadhay. Waxaa hore u soo sheegtay Ugandha.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.