Buurmadow oo ku Hanjabay in uu ku Dhaqaaqi doonaa Arrin ka dhan ah Somaliland, Hadii aan la sii Dayn General Doolaal

Boqor Buurmadoow
Boqor Buurmadoow

Dubai (Aftahannews)- Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu caansan Somaliland, ayaa ka hadlay arrinta Generaal Jaamac Doolaal oo bilihii u dambeeyay ku xidhan jeelka dhexe ee Hargeysa.

Boqor Buurmadoow
Boqor Buurmadoow

Jaamac Doolaal oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa Maxkamadi xukun ku ridday, ka dib markii lagu eedeeyay inuu xidhiidh la sameeyay Qof ay ehel yihiin oo ku sugan Dalka Soomaaliya.

Boqor Buur-madow oo Shalay qoraal ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Facebook, ayaa si adag uga hadlay Xadhigga Doolaal, waxaanu sheegay in haddii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku soo deyn waydo  Doolaal muddo 3 Maalmood ah inuu ku dhawaaqi doono arrin khatar ku ah Midnimada Beelaha Somaliland.

Buur-madow ayaa qoraalkiisa ku yidhi  “Arirnka Taliye Doolaal samirkii wuu ka dhamaaday, saddex cisho gudahood haddii aan lagu sii dayn aniga oo ku hadlaya afka Madax-dhaqameedka beelaha Habarjeclo, waxaan ku dhawaaqi doonaa arrin aanay Somaliland mahadin oo horseedi doona Geerida midnimadii beelaha Somaliland.”

Boqor Buur-madow waxa kale oo uu sheegay “Waan arkayey gudida Habar jeclo oo shirwayne ku baaqaysa, Habarjeclo ma shiri doonto, waxay u baahan tahay talo xumada Muuse Biixi In lala gudhiyo, Muuse Biixi dalka talo colaadeed buu ku waday muddadii uu xilka hayey, waxaa loo baahan yahay in lala qaato mar haddii aan la helayn cid qabata iyo cid looga ergoodo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Beelaha habarjeclo gudo iyo dibed saddex cisho ha iga war sugeen, saddexdaa cisho Muuse ama waynu ka war sugi doonaa colaad Iyo nabad kuu kagataliyo arrinta Doolaal, haddii uu siidaayo waa nabad, hadduu diido, dhawaaqayga suga iyo go’aanka Salaadiinta Iyo dhaqanka oo aan ku dhawaaqi doono haddii Alle idmo, habarjeclo ha u diyaar garawdo fulinta go’aanka..”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.