Midowga Afrika oo soo Dhaweeyay in Soomaaliya ay ku soo laabato Geedi Socodka Doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat

Muqdisho (Aftahannews) – Guddiga Midowga Afrika (AU) ayaa bogaadiyay go’aankii dhowaan uu soo saaray baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorasho ee 17 September 2020.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dib loogu soo celiyay Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 oo saldhig u ahaa doorashooyinka soo socda, kadib codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat

Gudoomiyaha Guddiga ayaa ku amaanay Madaxweyne Farmaajo inuu hormariyay danaha dadka Soomaaliya.

Gudoomiyaha wuxuu kaloo soo dhaweeyay doorka hogaamineed ee loo igmaday Ra’iisal Wasaaraha si loogu diyaar garoobo doorashooyin nabdoon, lagu kalsoonaan karo oo hufan laguna xaqiijiyo amnigooda.

Moussa Faki ayaa markale ku celiyey baaqiisa ah in si deg deg ah loogu laabto wada hadalka iyo gorgortanka. Wuxuuna sheegay midowga Afrika in ay ka go’an tahay taageerada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee geeddi-socodkan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.