Maxay ka Wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Ingiriiska?

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Ingiriiska
Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Ingiriiska

Hargeysa (Aftahannews) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya amb. Kate Foster oo uu weliyo madaxa xafiiska Ingriiska ee Somaliland Stuart Brown.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Ingiriiska
Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Ingiriiska

Warsaxafadeed kasoo baxday kulanka ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Somaliland waxa uu safiirka xogwaraysi kasiiyay madaxbanaanida iyo dimuquraadiyada ka hana qaaday Somaliland, iyo in ay tusaale utahay dalal badan oo geeska Afrika ah.”

“Madaxweynuhu waxa uu safiirka kusoo dhaweeyay dal qaan gaadhay, oo buuxiyay shuruudihii dowladnimo balse caalamka ka sugaya wixi ay xaq ugu lahayeen oo ah ictriraaf buuxa”.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo boqortooyada Ingriiska iyo arrimaha la xidhiidha doorashoyinka Somaliland kusoo fool leh.

Warsaxafadeedka ayaa waxa kale oo lagu sheegay in labada dhinac ay isla lafo gureen, deeqaha horumarineed ee uu Ingriisku Somaliland siiyo iyo xaalada amni ee gobolka geeska Afrika.

Ugu danbaytii waxa warmurtiyeedka lagu yidhi “Safiirku waxa ay dhankeeda uga mahadnaqday madaxweynaha iyo shacbiga J. Somaliland horumarka dimuquraadiyada iyo nabadgalyada buuxda ee ay gaadheen mudada 30 sano ah”.

Safarkan ayaa noqonayaa keedii ugu horeeyay ee ay safiirka dowlada Ingriiska Kate Foster Somaliland ku timaado tan iyo markii la magacaabay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.