Roobab Maanta illaa Caawa ka Da’ayey Degmada Baki ee Gobolka Awdal oo Khasaare Sababay

Baki (aftahannews):- Roobab mahiigaan ah oo maanta illaa caawa ka da’ayey Degmada Baki oo ka tirsan gobolka Awdal, ayaa khasaare sababay, isla markaana gadoon ka dhigay Degmadaas.

Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Boorama Abokor Xasan Caafi, gudoomiye ku xigeenka degmada Baki Dayib Cudud ayaa wakaaladda u sheegay in roobabkaasi ay jareen wadooyinka isku xidha Boorama, Baki iyo Gabiley, waxaanuu intaas ku daray in roobabkaas oo ah kuwa waawayni ay sababeen in degmada Baki ay noqoto go’doon aan la gaadhsiin karin illaa hadda wax gurmad ah.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Baki waxa kale oo uu sheegay in roobabkaas khasaare aan si dhab ah loo ogeyn ay u gaysteen degaano kale oo degmadaas ka tirsan, waxaanuu bulshada u soo jeediyay in aanay isku dayin in ay ka talaabaan dooxyadaas, isla markaana ay ka fogaadaan meelaha biyo mareenada ah.

Geesta kale roobabkaas oo ka da’ay magaalada Boorama ayaa khasaare u gaystay xabaalaha Galooley ee ku yaal galbeedka magaalada Boorama, iyadoo maamulka gobolka Awdal iyo ka degmada Boorama ay kormeero ku soo mareen goobo kala duwan oo roobabkaasi wax yeelo u gaysteen, iyagoo fariina  ku saabsan ka feejigtaanta dhibaatooyinka ka dhalan kara dadadkaasna u diray dadka ku nool magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal.

Xigasho Solnanews.