Xukuumadda Somaliland oo la Wareegaysa Libaaxyada Waran-Cadde

Wasiirka Deegaanka Somaliland
Wasiirka Deegaanka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Baandare, ayaa shaacisay in xukuumaddu kala Wareegayso Libaaxyada uu Hargeysa ku Xanaaneeyo Siyaasiga Cali Waran-cadde.

Wasiirka Deegaanka Somaliland
Wasiirka Deegaanka Somaliland

Wasiirka oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa waxaa ay sheegtay in Libaaxyadaasi la gayn doono beerta lagu xanaaneeyo xawaanka ee deegaanka Damis ee ay xukuumaddu gacanta ku hayso.

Wasiir Shugri Baandare ayaa sheegtay in ay aad uga xuntay dhibaatadii uu xalay gaystay Libaaxaasi.

Sidoo kale, go’aanka xukuumadda ayaa yimid kadib markii uu xalay Libaaxaasi ka baxsaday beerta lagu xanaaneeyo libaaxyadaasi ee Hargaysa, islamarkaana uu dhawac u gaystay Haweenay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.