Qatar oo Ergay gaar ah u soo direysa Soomaaliya

Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani
Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani

Doha (Aftahannews) – Ergay gaar ah oo ka socda dalka Qatar ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe booqasho ku yimaado Soomaaliya.

Ergaygan gaarka ah ayaa lagu magacaabaa Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani waxaana uu ku magacaaban yahay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada.

Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani
Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani

Ergaygan ayaa imanaya magaalada Muqdisho, mana cadda muddada uu joogi doono.

Ilo lagu kalsoon yahay oo codsaday inaan magacooda la shaacin sababtoo ah looma oggola inay warbaahinta la hadlaan ayaa u sheegay VOA in ergaygan uu kasoo qaybqaatay dhexdhexaadintii Taliban iyo Maraykanka.

Qatar waxay xidhiidh dhow la leedahay Soomaaliya. Diyaaradda Qatar Airways waxay ka mid tagay diyaaradaha tirada yar ee caalamiga ah ee tooska u yimaada Soomaaliya.

VOA