Libaaxii Gabadha ku Dhaawacay Hargeysa oo la Dilay

Hargeysa (Aftahannews) – Ciidamada booliska Somaliland, ayaa saaka toogtay libaaxii xalay ka baxsaday Beerta Libaaxyada ee Hargeysa, kaasi oo gabadh Itoobiyaan ah dhawac wayn u gaystay.

Ciidamada booliska ayaa baadi goob libaaxa ugu jiray tan iyo xalay fiidkii waxana suuragashay in ay saaka ugu danbayntii toogtaan.

Libaaxyada lagu xanaaneeyo Beerta Libaaxyada ee Hargeysa ayaa ah 7 xabo kuwaasi oo uu gacanta ku hayo siyaasi Cali Waran Cadde oo muddo dheer can ku aha dhaqashada libaaxa.

Maaha markii koobaad ee libaax xeradan ku jiraa uu intuu soo fakado dad dhibaateeyo. Dhawr iyo toban sano kahor ayuu libaax sidan oo kale beerta uga soo fakaday ku dilay gabadh dhalinyaro ah magaalada Hargaysa.

Waxa jira dadka qaar kood oo ku andacooda in anay libaaxyadu ku jirin meel amaana oo lagaga nabad gali karo, isla markaana loo bahanyahay in loo sameeyo beer gidaar adag leh.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.