Dowladda Kenya oo Shaacisay inay dib u dhigtay Xidhitaankii Xeryaha Qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma

Xeryaha Dadaab
Xeryaha Dadaab

Nairobi (Aftahannews) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dib u dhigtay xidhitaankii xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma ee ay ku jiraan qaxooti ka yimid Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo waddamo kale.

Go’aankan ayay ku dhowaaqday Kenya maanta kadib markii ay kulan yeesheen Madaxweynaha dalka Kenya Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi.

Xeryaha Dadaab
Xeryaha Dadaab

Kenya waxay sheegtay inay xeryahan xidhi doonto marka la gaadho bisha 30-ka June ee sannadka 2022-ka. Guddi ka socda dawladda Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa billaabi doona qorshaha lagu dedejinayo xidhitaanka xeryaha laga billaabo 5-ta bisha May 2022-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Kenya.

Dadka qaxootiga ah ayaa dib loogu celin doonaa waddamada ay kasoo jeedaan. Waxaa sidoo kale qaxootiga kasoo jeeda Bariga Afrika qaarkood fursad loo siin doonaa inay helaan oggolaansho shaqo, si ay uga shaqaystaan gudaha dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay xilligan ku jiraan xeryaha Dadaab iyo Kakuma qaxooyi dhan 433,765. Bishii hore ayay dowladda Kenya soo cusboonaysiisay go’aanka ay doonayso inay ku xidho xeryaha qaxootiga.

Hay’adda xuuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhowaysay go’aanka dowladda Kenya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.