Xisbiga KULMIYE oo sheegay inaanay wax kulan ah yeelan Guddigiisa Fulintu ka dib 25 October

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga talada Somalilnad haya ee KULMIYE, ayaa sheegay inaanu jirin haba-yaraatee wax kulan ah oo ay isugu yimaaddeen Guddiga Fulinta Xisbigaas, intii ka dambaysay Shir ay 25-kii October ee sannadkan aanay kulmin.

War-Saxaafadeed galabta ka soo baxay xarunta dhexe ee KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa, oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha guud ee Xisbigaas Xasan Siciid Yuusuf, ayaa lagu beeniyey war lagu faafiyey mid ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo Warbaahinta loo kala diray waxa uu u dihgnaa sidan:- “Ujeeddo: Beenin war.

Waxa jiray war aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu daabacay Wargayska Waaheen oo lagu sheegay inay kulan isugu yimaaddeen Guddidsa Fulinta ee Xisbiga KULMIYE , isla markaana go’aammo ay ka soo saareen u gudbiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Haddaba, waxa uu Xisbiga KULMIYE halkan ka caddaynayaa in aanu haba-yaraatee jirin shir ay isugu timi Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE oo ka dambeeyay kii qabsoomay 25/October/2013 oo ay ku goysay in tirada Ergooyinka shirwaynaha 3-aad ee Xisbigu noqoto 801 ergay.

Xisbiga KULMIYE wuxuu mar labaad caddaynayaa inuu warkaasi yahay mid been-abuur ah oo ka mid ah wararkii xaqiiqada ka fogaa ee Wargayska Waaheen dhaqanka u ahayd.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.