Guddoomiyaha Degmada Baraawe oo ka Badbaaday isku-day Dil

Breaking_news-5

Baraawe (Aftahannews) – Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu rasaaseeyay guddoomiyaha degmadaasi Cumar Sheekh Cabdi.

Rasaasta lagu furay gaadhiga uu saarnaa guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa timid markii la sheegay in ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya inay u diideen guddoomiyaha inuu ka gudbo koontaroolka laga galo xarunta uu ku shaqeeyo guddoomiyaha xili uu ku wajahnaa xafiiskiisa shaqada.

Rasaasta lagu furay gaadhiga uu la socday guddoomiye Cumar Sheekh Cabdi ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa halka mid kalana uu ku dhaawacmay waxaana sidoo kale ku dhintay rasaastaasi wiil yar oo shacab ah oo ku sugnaa goobta ay rasaastu ka dhacaysay.

Guddoomiye Cumar Sheekh oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhacdada lagu weeraray uu u arko mid la rabay in isaga lagu khaarajiyo.

“Waxaa leeyga hor-istaagay JEG-POINT aan u maro xafiiskeyga leeyguna amray in ka laabto. Markii aan amarkii qaatay oo aan ka laabtay ayay rasaas igu bilaabatay. Ilaahay ayaa iga badbaadiyay, laakin waxaa halkaas ku geeriyooday mid ka mid ah ilaaladeydii” ayuu yidhi Guddoomiye Cumar Sheekh Cabdi.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cumar in taliyihii ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee degmada Baraawe iyo ku-xigeenkiisii ay goobjoog ka ahaayeen goobta leeygu dili lahaa.

“Maamulka Koofur Galbeed iyo madaxda Dowlada Fedaraalka waxaan ka codsanaya inay dhacdadii maanta baadhitaan ku sameyaan oo ay cadaalada horkeenaan shaqsiyaadkii ka dambeyay in si badheedh ah rasaas loogu furo madaxda magaalada Baraawe. ” ayuu yidhi guddoomiye Cumar Sheekh Cabdi.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.