Madaxweynaha Somalilanay oo kormeeray Biriijyo laga hirgelinayo Dooxyada u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka soo guryo noqday safar shaqo oo uu ku tegay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa kormeer shaqo kusoo maray biriijyada kala duwan ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaan midka dooxa weyn ee Dacar-budhuq oo dhismihiisu meel wanaagsan marayo, ahaana biriijka ugu waxyeelada badan xili roobaadka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi

Madaxweynaha iyo xubno weftigiisa kamid ah, ayaa u kuurgalay habsami-u-socodka Biriijka dooxa Dacar-budhuq, waxana ay halkaas ku arkeen masuuliyiinta hawsha dhismaha gacanta ku haya iyo shaqaalaha oo hawl-maalmeedkooda ku guda jira.

Ugu horrayn madaxa mashruuca Berbera corridor, Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), ayaa madaxweynaha uga warbixiyey heerka ay marayso guud ahaan waddada Berbera Corridor oo ay wehelinayaan dhismaha Biriijyo waaweyn oo bulshada dhibaato badan ku hayey, waxana uu sheegay inay horumar ballaadhan ka sameeyeen dhismaha waddada iyo biriijyadaba, islamarkaana ay dedaal weyn geliyeen sidii uu biriijka dooxa weyn ee Dacar-budhuq sida ugu dhaqsaha badan ugu dhammaan lahaa, dhawaanna ay dhammaystiri doonaan.

Qaar kamid ah Injineerrada ajaanibka ah ee dhismaha biriijka gacanta ku haya oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey inay hawsha dhismaha biriijyadu si habsami leh ugu socoto, dedaal badanna ugu jiraan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer iyo indho-indhayn uu ku sameeyey dhismaha Biriijka weyn ee dooxa Dacar-budhuq kaddib, waxa uu ammaan iyo bogaadin u jeediyey madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee gacanta ku haya Biriijyada iyo guud ahaanba waddada weyn ee Berbera corridor, isaga oo guul weyn ku tilmaamay in waddadii Berbera Corridor iyo dhismihii Biriijyada isu socodka shacabka muhiimka u ahaaba heer wanaagsan marayaan, waxana uu yidhi,“Waa wax lagu farxo in maanta ay Biriijyadii halkan marayaan oo haddii Alle yidhaahdo sannadkan Aakhirkiisa Biriijyada kuwa ugu waaweyni ay dhammaan doonaan, xisbiga KULMIYE in badan buu ummadda u ballan qaaday inuu waddooyinka wax ka qaban doono kolba taagtiisa iyo ciddii uu la kaashadaba.”

Biriijka weyn ee dhismihiisu ka socdo dooxa Dacar-budhuq, ayaa dhererkiisu dhan yahay 105M (Boqol iyo shan mitir), waxana uu kamid yahay biriijyada ugu muhiimsan ee la filayo in dhismihiisa ay ku badbaadi doonaan shacab badani, maadaama ay haatan biyaha dooxaas mara dad badani naftooda ku waayeen.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.