Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay Dhacdooyinkii ka Dhacay Magaalada Muqdisho

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA SHEEKH SHARIIF SHEEKH XASAN 2020.jpg
MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA SHEEKH SHARIIF SHEEKH XASAN 2020.jpg

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta Soomaaliya dib ugu soo laabtay ayaa si adag uga hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay iyadoo lagu jiro bil Ramadaan inuu dagaal dhiig ku daato uu ka dhaco Muqdisho iyadoo laga baaqsan karay in la dagaalamo.

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA SHEEKH SHARIIF SHEEKH XASAN 2020.jpg
MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA SHEEKH SHARIIF

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha la isku hayo aay tahay arrimo siyaasadeed ayna muhiim tahay in la helo xal siyaasadeed nabadeed oo lagu heshiin karo, waxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay Raysal wasaare Rooble oo uu sheegay inuu wado dadaalo xal looga gaadhayo xiisada siyaasadeed ee Muqdisho ka aloolsan.

“Xalka waa inuu noqdaa mid siyaasi ah oo meesha aay hada taagan tahay ayna dhaafin, waxaan dalbanayaa in laga shaqeeyo nabadda iyo in doorasho la aado si loo kala badbaado” ayuu yidhi Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ku eedeyay dagaaladii ka dhacay Muqdisho inay masuuliyadeeda leeyihiin Xildhibaanada Golaha Shacabka, islamarkaana sheegay inaanu xiligaan dalku xamili karin muddo kororsi,

Shariif Sheekh Axmed ayaa u mahadceliyay Beesha Caalamka kaalintii ay ka qaateen arrimaha cakiran ee Soomaaliya iyo waliba dadaaladoodii ku aadana iney heshisiiyaan hoggaamiyaasha Soomalida.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.