Shir Muqdisho uga socda Dowladda Soomaaliya, Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Siyaasiinta Mucaaradka

Kulanka Dowladda Soomaaliya, Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Siyaasiinta Mucaaradka
Kulanka Dowladda Soomaaliya, Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Siyaasiinta Mucaaradka

Muqdisho (Aftahannews)- Wararka hada naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Shir u dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo xubno ka tirsan Siyaasiinta Mucaaradka uu haatan ka socda magaalada Muqdisho.

Shirka u socda Dowladda Soomaaliya, Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Siyaasiinta Mucaaradka
Shirka u socda Dowladda Soomaaliya, Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Siyaasiinta Mucaaradka

Shirka oo bilowday Afurkii kadib, ayaa ka socda hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulankan oo ahaa martiqaad afur ah oo uu fidiyay Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagaga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, doorashooyinka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Tan iyo wixii ka dambeeyay go’aankii ay Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle ku diideen mudo kororsiga, isla markaana uu ku raacay Ra’iisal Wasaare Rooble waxaa qabowday xiisadii dagaal ee ka jirtay magaalada Muqdisho.

Waxaa Muqdisho ka bilowday dadaallo nabadeed oo xal loogu raadinayo khilaafkan gaadhay gacan ka hadalka, hase yeeshee waxaa weli difaacyo ku kala jira ciidamada kala taabcsan mucaaradka iyo madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu kulankan ka baahiyay xafiiska Rooble ayaa lagu yidhi, “Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan  la leh madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan midowga musharaxiinta, si loo sii xoojiyo xasilloonida Magaaladda Muqdisho ka dib qalalaasihii dhawaan dhacay.”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.