Madaxweyne Biixi oo Si Adag uga Hadlay Barakicinta Shacabka Muqdisho iyo Damaca Farmaajo

Hargeysa (Aftahannews) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay xaaladdaha cakiran ee dhanka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa arrimahan ka hadlay isagoo socdaal shaqo ku tagay magaalada Berbera, waxanu sheegay inay Somaliland ka damqaneyso dhibaatada iyo qaxa ay dawladda Xamar ka dhisani u geysatay shacabka Muqdisho, islamarkaana ay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka, balse ay si weyn isku hayaan siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaasha diiddan madax-banaanida Somaliland.

“Dawladda Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka Xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hogaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

“Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo, eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo wakhtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.” Ayuu madaxweynuhu intaasi ku daray.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa kale oo uu sheegay in dhibaatada ay xanuunkeeda Afarta sanno ku dareemeen shacabka Soomaaliya, ay u dulqaadaneysay Somaliland soddonkiisa sanno ee ugu dambeeyeyba.

“Shacabka Soomaaliya waxan leeyahay bal Soddon sanno oo ah waxaas aad maanta aragteen ah ee dhibaatadaasi idinka gaadhay baa naga haysta dawladihii Xamar ka dhismay, kan ilaa kuwii ka horreeyay.”

“Waxaan idiin sheegayaa shacab ahaan inaad ogaataan inaannaad dadka necbayn ee danteennu is diidday oo waxaas maanta aad ka sasteen ee caalamku ka yaabay ay soddonkaas sanno naga haysteen madaxdiina iyo dadka idiin taliya,” ayuu ugu dambeyntiina yidhi madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.