Taliska Booliska Somaliland oo War ka soo saaray Xadhiga Murashixiinta Mucaaridka

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa ay war ka soo saareen xadhiga Murashixiinta mucaaridka.

Waxanay ciidanka Boolisku sheegeen in ay xeer ilaalinta iyo maxakamadaha dalka ay hor geeyeen cadaymo ku filan in dambiga loo haysto Murashixiinta xidhan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland

Taliska Ciidamadda Booliska ayaa sidoo kale sheegy in dhamaan Murashixiinta xadhigooda ay u marneen sifo sharciya oo waaran maxkamadeed ah.

Taliska Ciidamadda Booliska ayaa sidan ku sheegay warbixin ay ku daabaceen Boga ay ky leeyihiin Facbooga, waxaanu u dhignaa sidan:-

Ciidamadda Booliska Somaliland Waxay Bulshadda u cadaynayaan, waxyaabaha ka soo baxay Tartamayaasha Doorashada qaarkood ee dunuubta iyo eedaha ah.

Waxa imika 40kii cisho ee ina dhaafay booliska soo gaadhay eedo badan oo ku saabsan murashaxiinta, taas oo arintuna ahayd shahaadooyinka ay sitaan oo foojari ah iyo waxyaabo kale, Taas oo boolisku markii uu baadhay u cadaatay in dembiyo dhaceen foojirina ay sameeyeen sida ku cad qodobada 371, 373 iyo 375 ee Xeerka ciqaabta guud.

Boolisku waxay xeer ilaalinta iyo maxakamadaha dalka hor geeyeen cadaymo ku filan in dambigaa kor ku xusani dhacay, taas oo qayb ka mida ah garnaqsighoodu dhammaad ku dhawyahay oo uu maxkamadaha ka socdo qaybna imika bilow yahay, kuwaas ayuu ka mid yahay Murashax la yidhaa Qaasim Cali Odawaa oo sedexdii cisho ee u dambeeyay ku xidhan saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, maxkamada iyo xeer ilaalinta waxaanu hor gayn donaa cadaymo ku filan.

Dhamaantoodna waxaanu muwaadiniinta kor ku xusan xadhigooga u marnay sifo sharciya oo waaran maxkamadeed ah.

waxaana wanagasanayad cida leh khalad ayaa loo xidhay in ay sugaan nataajida maxkamada ama ay ka qayb galaan dhagaysiga garnaqsiga maxkamada.

Waxa kale oo jira haweenay la yidhaa Khadra Xasan Maxamuud oo xisbiga waddani uga sharaxan gobalka Togdheer iyo Canaba Cabdi Aw Xirsi oo iyana xisbiga UCID uga sharaxan gobalka Sool, kuwaas oo aanu u hayno waaran maxakamadeed, waxaanu ku adkaynaynaa in ay hay’addaha amniga u tagaan oo ay is baraxaan hadii ay u taagai wayaana sifo sharciga waafaqsan ayuu Boolisku  u soo qabandoonaa, Waxa kale oo jira kuwa kale oo iyaguna eedaysanayaal ah oo baadhitaan lagu wado.

Ugu dambayn warkan ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland waxa lagu sheegay in cid kasta oo la eedeeyo ama dambi ku dhacda baadhis ka dib taytalka ay doonto ha lahatee boolisku sifo sharciya ayey u mari donaan, wayna soo qaban doonaan xeer-ilaalinta iyo maxakmada awood u lehna ayay hor gayn donaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.