Puntland oo shaacisay in ayna ka qeyb Geli-doonin shir uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Timacadde
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Timacadde

Garoowe (Aftahannews) – Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ayna ka qeyb galidoonin shir uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo lagaga arrinsandoono arrimaha doorashada Soomaaliya, iyadoo laga ambaqaadayo heshiiskii 17 september.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Timacadde
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Timacadde

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Timacadde oo la hadlayay BBC ayaa u sheegay in madaxweyne Farmaajo aanu haysan sharciyad uu ku maamulo shir doorasho, wuxuuna sheegay in ay beesha caalamka ka codsanayaan in ay isugu yeedhaan hoggaamiyaasha siyaasada una kala garnaqaan.

Wasiir Timacadde ayaa tilmaamay in ay tabasho ka qabaan heshiiska 17 september, iyagoo ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ku tuntay habraacyo heshiiskaas ku jiray oo uu diiday inuu aqoonsado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sabtida hortagidoona barlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu u gudbindoono in dib loogu laabto heshiiskii doorashada ee 17 september.

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in madaxweyne Famaajo aanu daacad ka ahayn arrimaha doorashada islamarkaana uu doonayo in isqab qabsiga doorashada ee weli halkiisa kasii socdo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.