Madaxweyne Biixi oo Gaadhay Berbera, Xadhiggana ka jaray Mashaariico kala duwan

Berbera (Aftahannews) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha ayaa markii uu halkaasi gaadhay xadhigga ka jaray mashaariic mashaariic ay dawladda Hoose ee degmada Berbera ka hirgelisay gudaha magaalada, kuwaas oo ay kamid yihiin dhismaha afar waddo oo hawlbawle ah oo kala ah Waddada Burco, waddada Dirir, waddada noobiyadda iyo istaanka basaska isaga goosha gobolada Dalka ee Berbera.

Sidoo kale, Madaxweynaha, ayaa xadhig-ka-jarista kaddib waxa uu ka qaybgalay munaasibad lagu faah-faahinayey mashaariicda kala duwan ee ay dawladda Hoose ee Berbera magaalada ka hirgelisay, taas oo lagu qabtay gudaha hangar (Terminal) weyn oo laga dhisay duleedka istaanka basaska isaga goosha gobolada dalka ee magaalada Berbera.

Madaxweyne Biixi oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyey horumarka ballaadhan ee Berbera ka hirgalay, waxana uu masuuliyiinta dawladda Hoose ee Berbera iyo shacabkoodaba ku ammaanay sida ay ugu heellan yihiin horumarka gudaha iyo midka caalamiga ah ee Berbera ka socda.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa kormeeray Mashruuca dhismaha Dekedda cusub ee dhisayso Shirkadda DP World, waxaana uu Madaxweynuhu kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee dekedda cusubi ka dooban tahay, ballaadhinta iyo casriyeynta lagu sameeyey dekedda.

Ugu danbayntiian Madaxeynuhu wuxuu u mahad celiyey Shaqaale weynaha Dekeda Berbera isago ku ammaanay doorka ay ku leeyihiin horumarka, casriyeynta iyo ballaadhinta marsada Berbera.

Hoos ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.