Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Askari Jidh-dil u gaystay Haweenay Ajaanib ah

Askari jidh dilay Gabdh
Askari jidh dilay Gabdh

Hargeysa (Aftahannews) – Booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay xidheen askari, uu muuqaalkiisu baraha bulshada ku baahay isagoo gabadh gacan u qaadaya.

Warbixin lagu daabacay boga Facebook ee ciidanka booliiska, ayaa lagu sheegay in gabadha uu askarigu gacanta u qaaday ay ahayd gabadh Oromo ah.

Askari jidh dilay Gabdh
Askari jidh dilay Gabdh

Booliiska ayaa sheegay in dhacdadani ay dhacday xili ay ciidanka booliisku ku guda jireen howlgal dadka bilaa sharciga ah lagu mastaafurinayay.

Warbixinta ayaa lagu yidhi “wakhtigan Oromada waddanka waa laga mastaafuriyaa sida darteed askariga, ayaa isku dayay in uu qabto nin gabadhan qaba kadibna iyada iyo koox kale, ayaa askariga gacan u qaaday sida ayuuna dhibku ku yimid”

Booliiska ayaa sheegay  madama oo sida uu askarigu uga falceliyay arrinka gabadha anay wanaagsanayn askarigii la xidhay isla markaana sharciga la marin doono.

Booliiska Somaliland waxa marar kala duwan lagaga cawda sida ay uga falceliyaan dhacdooyinka qaarkood, waxana jira askar lagu xukumay sanado xabsi ah kadib markii lagu helay danbiyo gacan ka hadal ah.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.