Rooble oo Farriin u diray Dadkii ka Barakacay Muqdisho

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay qalelaasihii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho inay dib ugu soo noqdaan guryahooda.

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

“Ciidamada ammaanka waxaan farayaa inay shacabka u fududeeyaan inay guryahooda iyo ganacsigooda ku soo noqdaan” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Rooble oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka.

“Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo Xasillooni” ayuu Rooble sii raaciyay.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku ayiday go’aankii dowlad goboleeyada Galmudug iyo Hirshabeelle ay diideen muddo kororsiga hay’adaha dowladda, taas oo falanqeeyeyaasha siyaasadda ay ku tilmaameen inuu ahaa mid hoos u dhigay xiisadda colaadeed ee maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd magaalada Muqdisho.

“Waxaan mar kale ku celinayaa sida aan uga xumahay xiisadaha colaadeed ee ka jiray magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo natiijada xun ee ka dhalatay, taas oo sababatay barakaca shacab badan oo danyar ah” ayuu Ra’isal Wasaare Rooble ku yidhi bayaankii uu shalay soo saaray.

Qalelaasihii ka jiray magaalada Muqdisho ayaa sababay in dad u badanaa carruur iyo haween ka soo jeeda qoysas danyar ah ay ka qaxeen guryahooda, iyadoo degmooyinka ugu badan ee laga qaxay ay ahaayeen Hodan iyo Howl-wadaag, kuwaas oo ay ka jireen dhaq-dhaqaayada ugu badan ee ciidan.

Dhinaca kale, bayaan ka soo baxay xaafiiska Isuduwaha Gargaarka Bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay ka walaacsanyihiin barakaca baahsan ee ka jira Muqdisho.

Waxaa Bayaankan lagu sheegeen in qiyaasata horudhaca ah ay muujineyso inta u dhexeysa 60,000 ila 100,000 oo qof in lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda magaalada Muqdisho kaddib rabshadihii billowday 25-kii April.

Barakacayaashan ayay sheegeen inay ka midyihiin barakacayaal hore oo nugul, kuwaas oo nolol u soo raadsaday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, laakiin mar kale u qaxay meel ka baxsan magaalada.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda ammaanka ee Muqdisho ee sii xumaaneysa” ayuu yidhi kusimaha Isuduwaha Gargaarka Bini’aadaminimo ee Soomaaliya Caser Arroyo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.