Wiil Soomaali ah oo lagu Dilay Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka

Liibaan Cusman Baqarre
Liibaan Cusman Baqarre

Minneapolis (Aftahannews) – Waxaa xalay lagu dilay xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa shaqaalada xawaaladda TAAJ, kaddib markii koox hubeysan oo doonayay inay dhacaan xawaaladda ay toogteen.

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusman Baqarre ayaa isbitaalka loola cararay, iyadoo waxyar kaddibna lagu dhawaaqay geeridiisa.

Liibaan Cusman Baqarre
Liibaan Cusman Baqarre

Booliska Magalaada Minneapolis ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeysay dilka Liibaan, waxaana afhayeenka booliska Minneapolis John Elder uu sheegay inay billaabeen baadhitaanka toogashadan, isagoo ka codsaday dadweynaha in haddii ay helaan macluumaad ku saabsan dadka looga shakisanyahay dilkan ay u soo gudbiyaan dambi-baadhayaasha Minneapolis.

Soomaalida xaafadda Cedar oo ka xun dilkan ayaa iskugu soo baxay goobtii lagu dilay Liibaan Baqarre.

Dhawaan ayay ahayd markii toogasho noocan oo kale ahayd lagu dilay Macallin Cabdinaasir oo mid ahaa macallimiinta dugsiga Qur’aanka ee Al-Jazari ee Masaajidka Dal-Alfaaruuq ee magaalada Bloomington gobolka Minnesota.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.