Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya oo Somaliland ku Tilmaamay inay ka jirto Dimuqraadiyad Naadir ka ah Geeska Afrika

Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya
Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiirkii hore ee Qorsheynta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte, ayaa majeertay dimuqraadiyadda iyo Horumarka ay Somaliland ku tisqaaday.

Cabdiraxmaan Caynte wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay Bartiisa Twitterka, waxaanu tilmaamay inay Somaliland ka jirto dimuqraadiyad naadir ah ka ah Geeska Afrika, waxaanu xusay inay Somaliland hoggaaminayso oo tusaale u tahay dimuqraadiyadda mandaqadda.

Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya
Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya

Waxa uu Cabdiraxmaan Caynte ugu duceeyey Somaliland inay ku sii naalooto nabadda iyo barwaaqada ka jirta.

Caynte oo ah siyaasi iyo aqoonyahan u dhashay Soomaaliya, waxa Faaladiisu ka dhalatay mar uu ka dareen celinayey liiska codbixiyeyaasha iyo Murrashaxiinta doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee ay dhawaan soo saareen Guddida doorashooyinka Somaliland.

Faallada Caynte waxa ay ku soo beegantay xili Soomaaliya ay ka quusatay inay ka qabsoonto wax doorasho ah, isla markaana uu ka aloosan yahay qalaase siyaasadeed oo ka dhashay muddo korodhsiga aan sharciga ahayn ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka saxeexday  Golaha Shacabka Soomaaliya.

Masuul ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Soomaaliya aanay ahayn kooxda Al-shabaab, hase ahaatee qaska iyo jaho-wareerku uu ka taagan yahay muddo korodhsiga sharci darrada ah ee Madaxweyne Farmaajo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.