Ururka SOLJA oo Tabobbar u furay Suxufiyiinta Goballada Bariga Somaliland

Burco (Aftahannews)- Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, iyaga oo kaashanaya dalladda ururrada bulshada rayidka ah ee SONSAF, ayaa magaalada Burco ka furay tababar loo qabanayo suxufiyiinta Somaliland ee ka hawl gala qaybaha kala duwan ee warbaahinta, sida TV, Idaacad, Wargeysa, Website iyo qaybaha kale ee warbaahinta bulshada( Social Media).

Tabarkan ayaa ku saabsan sidii ay saxafiyiintu u tabin lahaayeen war sugan oo dhex dhexaad ah xilligan doorashada ee xasaasiga ah.

Maadaama oo saxaafaddu tahay tiirka afraad ee dawladnimada waxay qayb ka tahay habsami u socodka doorashada iyo dawladnimada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.