Dowladda Soomaaliya oo ka soo Horjeesatay Mowqifka Beesha Caalamku ka qaadatay Go’aankii Muddo kordhinta

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay mowqifka beesha caalamku ka qaadatay go’aankii uu barlamaanka Soomaaliya muddada ugu kordhiyay madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in aanu jirin urur caalami ah ama mid goboleed oo sharciyan cambaarayn kara go’aan barlamaanka dal madax bannaan.

“Waxaan leenahay waa sharci darro, dowladda Soomaaliyana masoo dhoweynayso cambaarayntaas ,” ayuu yidhi Wasiir Dubbe oo dhinaca kale sheegay in ay dowladdu soo dhoweynayso ergayga cusub ee kala shaqeynaya arrimaha doorashada.

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamay qodob kamid ah war murtiyeedka shirkii guddiga nabadda iyo amniga midowga Afrika, kaasoo ahaa in ciidamada Amisom ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiir Dubbe, in qodobkaas uu si cad uga hor imanayo waajibaadka shaqo ee ciidamada Amisom sida ku cad qaraarka golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dalal ay colaad kala dhexayso Soomaaliya ay tifatire ka noqdaan faaqidaada arrimaha Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.