Dowladda Jabuuti oo Luuqad Adag ugu Jawaabtay Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh
Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh

Djibouti (Aftahannews)- Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeyn shalay uga timid dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay inay Djibouti faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh
Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh

Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa sheegay inay aad uga niyad jabeen ugana xun yihiin in wasiir ka tirsan Soomaaliya uu mar kale ku celinayo eedeymo iyo tuhun been abuur ah oo ah in Jabuuti ay ajande ka leedahay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Aan si aad ah u caddeeyo, Jabuuti uma qalanto hadalladan oo kale. In Jabuuti lagu eedeeyo inay faro-gelineyso arrimaha Soomaaliya oo ay dhinac la jirto waa mid aan wax macno ah lahayn, oo waxyeeleyneysa qiyamkeena ku aadan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh.

“Aad ayaan u qiimeynaa waxa ay Soomaalia noo fashay. Sidaas darteed ma sameyn karno wax ka yar. Waa taas sababto ay wiilasheena ugu dhimanayaan dib u curashada Soomaaliya,” ayuu intaa sii raaciyay.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ku eedeeyey Jabuuti iyo Kenya inay isku dayeen “inay farageliyaan” go’aankii Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ay kaga dhaadhicinayaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika soo jeedin qoddobo ay rabeen in lagu daro qoraalkii xalay kasoo baxay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.