Guleed Hoteel iyo Qaabka ay uga Socota Carwada Ramadaantu

Hargeysa (Aftahannews)- Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa waxaa si rasmi ah uga socota carwada balaadhan ee Guuleed Ramadaan suuq, kaasi oo maamulka huteel Guuleed ugu talo galay in Gancasatada reer Somaliland ku soo bandhigaan adeegyada kala duwan iyo waxyaabaha kale ee ay ugu talo galeen Bulshada.

Sidoo kale, Maamulka huteel guuleed ayaa goobta laga galayo carwad ku diyaariyay agabka loogu talo galay in lagaga horago xanuunka covid-19.

Qaar ka mid ah dadweynihii kala duwanaa ee ka soo qayb galay carwada huteel Guuleed ayaa halkaasi ka hadlay.

Cumar Axmed Aadan oo ka mid ah maamulka Huteel Guuleed ayaa ka warbixiyay carwadani

Carwada ka furantay Huteel ee Suuqa Guuleed Ramadaan, ayaa soCon doonta inta ka hadhay bisha Ramadaan iyadoo furnaan doonta maalin kasta sagaalka subaxnimo illaa kawda duhurnimo, toddobada fiidnimo illaa 1230ka habeennimo, marka laga reebo maalinta jimCaha oo ah maalin Cibaado oo ay furmi doonto labada Duhurnimo illaa kawda habeennimo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.