Taliska AFRICOM oo War ka soo saaray Xaaladda Soomaaliya

Stephen-J.-Townsend
Stephen-J.-Townsend

Washington (Aftahannews) – Taliyaha Milatariga Mareykanka ee taliska AFRICOM General Steph Townsend ayaa khamiistii u sheegay golaha Senete-ka Mareykanka in welwelka ugu badan ee haatan ka jira Soomaaliya aanu aheyn Al-Shabaab, laakiin uu yahay deganaan la’aanta siyaasadeed ee aan xallin karin caqabadaha.

Caqabadahaas ayuu sheegay kuwa ka dhex aloosan dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ee aan laheyn tanaasulka, kuwaas oo salka ku haya kordhinta muddo xileedka madaxweynaha oo uu ku sheegay inay ka baxsantahay dastuurka Soomaaliya.

Stephen-J.-Townsend
Stephen-J.-Townsend

Jeneraalkan ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka maamulkii Trump ee ku aadan ka soo saaristii ciimadama Mareykanka ee joogay Soomaaliya uu abuuray caqabado hor leh oo ku aadan la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.

“Al-Shabaab ma aha walaaca ugu weyn ee Soomaaliya imika, balse waa qaska siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada….muddo kororsiga madaxweynaha waa caqabaddeena ugu weyn, sidaas ayay ila tahay imika,” ayuu yidhi taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend, oo warbixin siiyay guddiga adeegga ciidamada ee Aqalka Senate-ka.

“Shaki kuma jiro in ka bixitaanka ciidamada ee Soomaaliya ay soo kordhisay caqabado iyo halis cusub,” ayuu yidhi Townsend.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.