Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo soo Gaba-gabeeyay Tartan Quraanka Kariimka ah

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa soo xidhay tartanka Qur’aanka kariimka oo bisha barakaysan ee Ramadaan ka socday Masjidka Cali Mataan ee magaaladda Hargeysa.

Tartankan ay maal-gelisay Shirkada Dahabshiil ayaa waxa ka qayb qaadanayay dhalinyaro xafiday qur’aanka kariimka ah, kuwaas oo ka kala socday qaar ka mida gobolada Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland

Xidhitaanka tartankaas waxa hadalo ka jeediyay Sheekh Maxamed Aadan, Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure (Sheekh Dheeg) iyo Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka waramay faa’iidada ay leedahay in qur’aanka kariimka ah lagu tartamo, iyagoo xusay in ay tahay meelaha ugu mudan ee bulshadu ay tahay in ay ku tartamaan ama dhaqaale ku bixiyaan, waxaanay u mahadceliyeen cidkasta oo kaalin ku lahayd in tartankaasi qabsoomo.

Wasiirka wasiiradda diinta iyo aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in wasaaraddu dhiiri-gelinayso, soona dhawaynayso tartanada noocan oo kale ah ee kor loogu qaadayo xiftiga qur’aanka kariimka ah.

Axmed Warsame Ducaale oo ka mid masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil ee tartankaas soo qaban qaabisay ayaa sheegay in tartankaas ay soo wadeen muddo ka badan labaatan sanno, u jeedadunata tahay in kor loo qaado xiftiga qur’aanka kariimka ah, dhalinyarda qur’aanka xiftisanina ay sannadkiiba bishan oo kale ay ku tartamaan.

Ugu dambayn waxa halkaas abaal marino kala duwan lagu gudoonsiiyay ardaydii tartankaas kaalmaha hore ka galay, iyadoo ardaygii soddonka jis ee qur’aanka kariimka ah oo ka socday gobolka Sool, oo ahaa Cabdiqani Axmed Ibraahin, oo la gudoon siiyay lacag dhan afar kun oo dollar iyo hadyado kale.

Geesta kale waxa kale oo goobtaas laga shaaciyay inuu maalinta Isniinta ah ee soo socota u bilaabmi doono tartankii quraanka kariimka ah ee uu madaxweynaha Somaliland uu qaban jiray bilkasta oo Ramadaan ah.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.