Guddoomiye ku xigeenka Deyniile oo Qarax lagu Diley

Breaking_news-5

Dayniile (Aftahannews) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ku xigeenkii arrimaha siyaasadda degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud (Dhacow) goor dhaweyd lagu dilay qarax miino oo loo dhigay gaadhigiisa.

Qaraxan oo ka dhacay agagaarka xaafadda Daru-salaam ayaa sidoo kale waxyeello ka soo gaadhay qaar ka mid ah ilaaladiisii, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaadhay hay’addaha ammaanka iyo dambi baadhista Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya saddex maalin kaddib dilkii guddoomiyiii degmada Xamar Jajab Dr. Maxamed Cabdi Xayle oo koox hubeysan ku hor toogatay gurigiisa oo ku yaal deegaanka Sarkuusta.

Qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ayaa imanaya xilli magaaladda Muqdisho ka jiraan xiisado colaadeed oo salka ku haya is-mariwaaga doorashada Soomaaliya.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxan.

 

VOA