Madasha Badbaado Qaran oo fariin u dirtay Qaramada Midoobay

Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya
Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Madasha Badbaado qaran ee Soomaaliya oo aay ku mideysan yihiin Midowga musharaxiinta, maamulada Puntland, Jubbaland iyo golaha siyaasiyiinta Somaliland ayaa fariin cusub u diray Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo lagu wado inay shir ka yeeshaan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madasha Badbaado Qaran ayaa warqadda ay direen waxay ku saabsaneed sida ay uga soo horjeedaan muddo kordhinta Golaha shacabka aay u sameeyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waliba khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka, iyagoona codsaday in fariintooda laga hor akhriyo Golaha Amaanka Qaramada Midoobay.

Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya
Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya

“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan, waxayna khatar ku tahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madasha Badbaado Qaran.

Fariinta Madasha Badbaado Qaran ayaa imanaysa xili xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid aad u cakiran, kadib markii Beesha Caalamka ay walaac xoogan ka muujisay cakirnaanta siyaasadeed ee ay wajaheyso Soomaaliya tan iyo waxii ka dambeyay markii Golaha shacabka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen go’aanka la xadhiidha muddo kordhinta labada sano ah.

Hoos ka akhriso bayaanka Madasha Badbaado Qaran

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.