Qatar oo ka jawaabtay eedeyn la Xidhiidha Fahad Yaasiin oo loo jeediyey

Doha (Aftahannews)- Dowladda Qatar ayaa beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya u soo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin.

Eedayntaas ayaa ku jirtay waraysi uu VOA siiyey safiirkii hore ee Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.

Qatar ayaa qoraal ay u soo dirtay VOA ku sheegtay inaanay jirin lacag madow oo ay Soomaaliya geliso, balse waxay sheegtay inay sanadkii tegay miisaaniyadda dowladda ku taageertay $20 milyan.

Hoos ka dhagayso Warbixin ku saabsan jawaabta Qatar.