Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Congo?

Farmaajo iyo Felix Tshisekedi
Farmaajo iyo Felix Tshisekedi

Kinshasa (Aftahannews) – Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalkaas Felix Tshisekedi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo iyo Felix Tshisekedi
Farmaajo iyo Felix Tshisekedi

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu la wadaagay Tshisekedi “guulaha” ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaadhay xasilinta Soomaaliya, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in kulanka oo dhacay Aagga Midowga Afrika ee Caasimadda Kinshasa lagaga hadlay muhiimadda ay labada dal u leedahay in ay yeeshaan xidhiidh iskaashi oo ku dhisan ka wada shaqaynta danaha labada daliyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xidhiidhka ka dhexeeya dalalka Afrika.

Wafdiga Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Diblumaasiyiin iyo La-taliyeyaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.