Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay 66 Maxbuus

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni

Garoowe (Aftahannews) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta cafis Guud u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xidhan xabsiyada deegaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa maxaabiistaan cafis ugu fidiyey talo soo jeedin ka timid wasaaradda caddaalada Puntland, iyadoo la eegayo fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaaladda caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni

Tirada maxaabiista ugu badan ee la cafiyay ayaa ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe, xabsigaas oo ah kan ugu weyn ee lagu hayo maxaabiista dambiyada kala duwan.

Saraakiisha xabsiga ayaa sheegay, maxaabiista la cafiyay in ay u xidhnaayeen dambiyo fudud islamarkaana muddada xabsi hayntooda ay u dhimanayd wax yar.

Sanadkii hore, Puntland ayaa cafisay 194 maxbuus.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.