Dowladda Soomaaliya oo Qabatay Lacag laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews) – Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabatay lacag cadadkeeda aan la sheegin oo ka timid dhinaca Kenya.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xassan Maxamed ayaa sheegay in lacagtan oo ahayd cadad ahaan mid aad u badan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyada oo ka soo gashay dhinaca dalka Kenya.

Lacagta Dollarka ah ee lagu qabtay Muqdisho

Lacagta Dollarka ah ee lagu qabtay Muqdisho

”Waxaan bogaadinayaa ciidanka saldhiga Booliiska Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo iyagu ku guuleystay in ay lacagtan gacanta ku dhigaan, waxaa socda baadhitaan arintan la xidhiidha.

Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo ay bixiyeen laamaha Amniga Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer oo hore sidan oo kale Soomaaliya u qabatay lacago ay ku tilmaamtay sharci darro oo laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login