Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada ee Gobolka Shabeellada Dhexe oo la Dilay

Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada ee Gobolka Shabeellada Dhexe oo la Dilay
Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada ee Gobolka Shabeellada Dhexe oo la Dilay

Muqdisho (Aftahannews) – Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga Soomaaliya gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shitaqeey ayaa sheegay in Howlgal lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa howlgalkan ka fuliyay inta u dhexeeysa Jowhar iyo Balcad, halkaas oo dhawaan ay ku dhinteen 17 qof oo shacab ah oo ay miino kula kacday iyagoo la socday gaari ay ku safrayeen.

Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada ee Gobolka Shabeellada Dhexe oo la Dilay
Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada ee Gobolka Shabeellada Dhexe oo la Dilay

Taliyaha Guutada 3-aad ayaa sheegay in ay qaarajiyeen madaxii qaraxyada Gobolka Shabeelaha dhexe u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab iyo mid kamid ah ilaaladiisa. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba kale sida uu u sheegay Idaacadda Ciidamadda qalabka sida.

Wadada Jowhar iyo Balcad ayaa kamid ah meelaha ugu halista badan ee lagu beegsado ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

Al-shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada kolonyada ciidamada, waxayna sidoo kale miinooyin ku aasaan wadada hareeraheeda, iyagoo la beegsada ciidamada halkaas mara. Balse mararka qaar waxay khasaare kasoo gaadhaa dadka shacabka ah ee wadadaas ku safra.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa hadda dib u dhis ku wada wadada Muqdisho iyo Jowhar, waxaana ammaankeeda sugaya ciidamada Haramcad.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.