Axmed Madoobe: Haddii aan layska qaban Farmaajo dalku meel kale ayuu tagayaa

Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Kismaayo (Aftahannews) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo magaalada Kismaayo kula hadlayay bulshada rayidka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu Soomaaliya god ku riday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in sharci darro ahayd go’aankii uu dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya mudada ugu kordhiyay hay’adda dowladda oo muddo xileedkoodu dhamaaday, isaga oo intaa ku darray in bulshada looga baahan yahay in ay u midoobaan badbaadinta Soomaaliya.

Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Wuxuu sheegay in marnaba Baarlamaanka Soomaaliya aanu awood u laheyn inuu baabi’iyo ama laalo heshiiskii doorashada ee 17kii September ee doorashada.

”Haddii aan layska qaban madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo wadanku meel kale ayuu tagayaa, waxaana tuusaale idinku filan marxalada maanta ay ku jirto Muqdisho oo dadku cabsi dareemayaan” ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in uu madaxweynuhu ku fashilmay in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana kaliya ay u muuqdo kuriga uu ku fadhiyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Kismaayo/Jubbaland.