Madaxweyne Farmaajo oo Shir la leh Wakiilada Beesha Caalamka

Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka
Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Muqdisho (Aftahannews)-  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Teendhada Afisyooni shir kula leh Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhaxmara madaxweynaha iyo wakiilada caalamka ka jooga Soomaaliya kaddib markii uu Baarlamaanku meelmariyay dhawaan muddo kororsi labo sano ah.

Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka
Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, UK, wadamada Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ka hor-yimid muddo kordhinta uu sameeyay Golaha Shacabka,

Hasse ahaatee madaxweyne Farmaajo ayaa qalinka ku duugay oo saxeexay sharcigan muddo kordhinta labada sano ah oo loogu magacaabo jiheynta doorashada.

Kulanka ayaa la sheegay in uu yahay mid ay dalbadeen Wakiilada Beesha Caalamka hasse ahaatee lama oga hoos ahaan waxaa ay ka wadda hadlayaan iyaga iyo madaxweynaha.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.