Sool: Dagaal ay ku Dhinteen in ka Badan Toban Qof

Breaking_news-5

Laacaanood (Aftahannews)- Dagaallo shalay iyo maanta ka dhacay meel u dhow degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhinteen in kabadan 10 qof, halka 20-meeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkan ayaa salka ku haya muran ka dhacay ceel biyaha laga cabo oo la isku qabsaday.

Dhaawaca labada dhinac ayaan illaa hada la xaqiijin karin iyadoo dhamaan isbitaalada magaalada Laascaanood iyo Xuddunba ay la tacaalayaan samatabixinta dadka ku dhaawacmay dagaalka.