Biden oo ciidamada Mareykanka ka soo saaraya Afghanistan

ciidamada Mareykanka ee Afghanistan
ciidamada Mareykanka ee Afghanistan

Kapul (Aftahannews)- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Arbaco lagu wadaa inuu ku dhawaaqo in Mareykanku uu dhammaan ciimadamadiisa kala soo bixi doono waddanka Afghanistan 11-ka bisha September ee sanadkan.

Maalintan ayaa ku beegan sanad-guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay weeraradii argagixiso ee lagu qaaday xarunta ganacsiga adduunka iyo wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Jen Psaki ayaa warfidiyeenka u sheegtay in madaxweynuhu ku dhawaaqayo go’aankan, taas oo ay ku tilmantay in dariiqa ugu wanaagsan ee lagu hirgalin karo danaha Mareykanka ee Afghanistan inay tahay in la joojiyoo dagaalka 20-jirsaday ee Afghanistan.

ciidamada Mareykanka ee Afghanistan
ciidamada Mareykanka ee Afghanistan

“Madaxweynuhu mar kasta wuxuu aaminsanaa in awood milatari ayna xal u noqon karin Afghanistan” ayay tidhi Psaki.

Ilaa iyo 3000-kun oo ciidanka Mareykanka ah ayaa sii joogi doona Afghanistan wixii ka dambeya 1-da May oo ku asteysan xilligii maamulkii madaxweyne Donald Trump iyo Taliban ay isku afgarteen in ciidanka Mareykaku uga baxaan Afghanistan.

“Muddo dheer ayaan ogeyn in xoog milatari aanu xallin doonin caqabadaha siyaasadeed iyo isku dhacyada gudaha Afghanistan, sidaa daraadeed waxaan soo af-jareynaa howlgaladeena milatari, si aan diiradda u saarno dadaalladeenna ku aadan taageerada diblomaasiyadeed ee dadaallada nabadda ee socda” ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden.

Dowladda Turkey ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay martigalin doonto shir nabadeed oo muddo 10-maalmood ah socon doona, kaas oo billaabanaya 24-ka April, una dhexeeya dhinacyada ku dagaallamaya Afghanistan, hase yeeshee afhayeen u hadlay Taliban oo fadhigiisu yahay magaalada Doha ee wadanka Qadar ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in ilaa inta ciidamada shisheeye ay gabi ahaanba ka baxayaan Afghanistan ayna ka soo qeybgali doonin shir go’aan lagaga gaadhayo arrimaha Afganistan.

Warka ku saabsan go’aanka ka bixintaanka ciidmada ee Biden ayaa imanaya maalin kaddib markii hay’adda sirdoonka Mareykanka ay sheegtay inaanay u badneyn in la gaadho heshiis nabadeed ilaa sanadka soo socda, isla markaana Taliban oo cadów ku ah dowladda sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee Afghanistan ay guulo ka gaadhi doonto dagaallada ay iskaga horyimaadaan.

“Dowladda Afghanstan waxay la halgami doontaa inay iska celiso Taliban haddii isbaheysiga dowladda uu kabaxo Afghanistan” ayaa lagu yidhi warbixin uu shaaciyay xaafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Hargeysa/Somaliland.