Mareykanka oo si weyn uga hor yimid muddo kordhinta Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo

Washington (Aftahannews) – Dowladda Mareykanka ayaa si adag uga fal celisay go’aankii uu dhawaanta Baarlamaanka Soomaaliya mudada Labada sano ah ugu kordhiyay Dowladda hadda jirta ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ay siweyn uga xumaadeen tallaabada uu qaaday Baarlamaanka Soomaaliya ee mudada Labada sano ah loogu kordhiyay madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan hore ugu celcelinay in ay muhiim u tahay nabadda, xasiloonida, badhaadhaha iyo dowladnimada Soomaaliya in dowlada fedaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay gaadhaan heshiis ku aadan sidii hore loogu sii wadi lahaa geedi socodka doorashada,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada.

War ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in marnaba ayna taageeri doonin muddo korarsi, doorashooyiin is barbar socda amaba geedi socod hal dhinac ah.

Mareykanka ayaa intaa ku darray in hindisa shirciyeeda muddo kordhinta oo la dhaqangaliyo ay caqabad halis ah ku tahay wadaxaajoodyada socda

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay saxeey xeerkii doorasho ee Baarlamaanku meelmariyay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Muqdisho/Soomaaliya.