Madaxweyne Farmaajo oo Saxeexay Sharcigii uu Meelmariyay Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay meel mariyay sharciga gaarka ah ee Jihaynta doorashooyinka heer federaal  ee Baarlamaanku meel mariyay.

Shacigan ayaa awood u siinaya in dowladda hadda jirta muddo Labo sano gudahood ah ku ku qabto doorasho qof iyo cod ah waxaana arintan siweyn uga soo horjeestay qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada iyo siyaasiyiin mucaaradka oo ku tilmaamay muddo kordhin aan sharci aheyn.

Xeerka waxaa ku jiray qoddob dhigaya in muddo laba sano gudahood ah in guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka inay ku qabtaan doorasho Qof iyo Cod ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Muqdisho/Soomaaliya.