Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho ka dhoofay

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni
Axmed Madoobe iyo Siciid Deni

Muqdisho (Afthannews) – Waxaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho madaxweynayaasha maamul Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam  oo toddobadyadii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni
Axmed Madoobe iyo Siciid Deni

Ka tagista madaxweynayaashan ee magaalada Muqdisho ayaa imanaysa kaddib markii shalay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya uu muddo kordhin labo sano ah u sameeyay hay’addaha kala duwan ee dowladda Federaalka oo ay madaxtooyadu ka mid tahay

Labada madaxweyne ayaa u kala duulay xarumaha labada dowlad gobolleed ee Garoowe iyo Jubbaland, iyaga oo soo saari doona go’aamo ka dhan ah muddo kordhinta Golaha Shacabka uu maalintii shalay ku dhawaaqay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Muqdisho/Soomaaliya.