Mareykanka oo loogu Baaqay inuu Cunaqabateeyo Soomaaliya iyo Midawga Yurub oo Muddo-kordhinta ka Soo Horjeestay

Filed under: Wararka |

Washington (Aftahannews)- Laba Xildhibaan oo ka tisran Aqalka Congaress-ka Mareykanka ayaa ku baaqay in dowladda Maraykanku ay dib u eegis ku samayso xidhiidhka ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, ayna tixgeliso in cunqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaan dimqoraadiyada, sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta soo baxay.

Xildhibaannada kala ah Gregory W. Meeks iyo Michael McCaul, oo ah Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Hose ee Congaress-ka Guddigiisa Arirmaha Dibedda ayaa goor dhowayd soo saaray war saxaaafadeedkan.

United States Capitol Building 7

United States Capitol Building 7

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku saabsan doorashada Soomaaliya gaar ahaan sharciga muddo laba sano ah u kordhinaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayay ku sheegeen qoraalkooda.

“Ficilkan waxa uu tirtirayaa hannaanka federaalka waxaana uu boqon goynayaa raadintii dimqoraadiyadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayay intaas ku dareen.

Waxay sheegeen in haddii muddo kordhintaasi ay sii socoto in dawladda Maraykanka ay dib u qiimeeyso taageerada iyo xidhiidhka ay la leeyahay dowlada federaalka Soomaaliya, lana tixgeliyo in cunaqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaanka dimoqraadiyadda.

Waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya inay dib u soo noolayso wada-xaajoodka si qalalaasahan loo xalliyo dibna loogu laabto hannaankii doorashada September 17 2020.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay kadib markii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay muddo 2 sano ah u kodhiyey dawladda federaalka, taasi oo ay kasoo horjeesteen mucaaradka iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Dhinaca kale, wakiilka sare ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in ficilka baarlamanka uu waxyeeleynayo dadaalka muddada fog socda, ee ay taageeraan Midowga Yurub iyo beesha caalamka, ee Soomaaliya dib loogu dhisayo iyada oo loo marayo ifaham.

“Midowga Yurub waxa uu rumeysan yahay in ansixinta iyo saxeexa qaraarkan ay kala qeybin doonaan Soomaaliya, keeni doonaan dib u dhacyo dheeri ah ayna khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasil’oonida Soomaaliya iyo deriskeeda. Xaqiiqdii uma adeegayso danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yidhi Borrell.

“Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loogu laabto wada-hadallada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka, iyadoo aan la dib dhigin, kuna saleysan heshiiskii 17-ka September. Haddii tan lagu guul-darreysto, Midowga Yurub waxa uu ka fakari doonaan tallaabooyin adag.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Muqdisho/Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login